Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan “Shub”, ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu sheegay inay ka dhacday guri uu ka deganaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in laba gantaal lagu dhuftay halka uu xilligaas ku sugnaa.
General Mahad ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday habeen, xilli uu hurday, balse uu soo kacay kaddib markii uu maqlay qarax xooggan iyo diyaaraddii uu sheegay inuu arkay oo dusha ka maraysay guriga.
Sida uu sheegay, laba gantaal ayaa ku dhacay guriga, mid ka mid ahna uu ku dhacay qeybtii uu isagu jiifay. Wuxuu sheegay in dhismaha gurigu uu si weyn u burburay, iyadoo darbiyo, saqaf iyo qeybihii kale ee dhismaha ay waxyeello soo gaartay.
“Hal gantaal ayaa igu dhacay, mar labaadna mid kale ayaa yimid. Labada gantaal waxay ku dhaceen meesha aan jiifay,” ayuu yiri General Mahad, isaga oo tilmaamay in uu dhaawac ka soo gaaray firir ka dhashay qaraxa.
General Mahad ayaa sheegay in kaddib weerarka isaga iyo dad kale oo goobta ku sugnaa ay guriga isaga soo baxeen, waxaana uu sheegay in dhaawacyada loo qaaday isbitaalka degmada Doolow. Wuxuu xusay in ciidamo iyo mas’uuliyiin deegaanka ah ay u gurmadeen, isla markaana habeenkaas lagu daweeyay isbitaalka.
Wuxuu sheegay in markii waagu baryay uu dib u arkay gurigii uu deganaa, isagoo tilmaamay inuu burbur xooggan gaaray, isla markaana ay waxyeello soo gaartay xitaa qeybihii kale ee guriga iyo agagaarkiisa.
Qeyb kale oo ka mid ah wareysi uu bixiyay, General Mahad wuxuu ka hadlay dhacdooyin uu sheegay inay ka horreeyeen duqeynta. Wuxuu sheegay inuu dareemay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ku saabsan qaar ka mid ah dadka ku hareeraysnaa, isaga oo xusay in uu arkayay qof marar badan meelaha qaar taleefan kula hadlaya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah dadkii uu la socday ay markii dambe ka tageen deegaanka, halka qaar kalena ay u kala gudbeen Baydhabo iyo Muqdisho.
General Mahad wuxuu sheegay in markii uu Doolow yimid uu kulamo iyo xiriirro kala duwan yeeshay, isagoo xusay in dhacdooyinkaas ay isaga ku abuureen shaki ku saabsan xog uu sheegay in loo gudbinayay dhinacyo kale.
Si kastaba, sheegashooyinka uu General Mahad ka bixiyay cidda ka dambeysay duqeynta iyo xiriirka ay la lahaayeen dadka uu sheegay inuu ka shakiyay si madax-bannaan looma xaqiijin.
General Mahad Cabdiraxmaan ayaa muddo soo ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxaana hadalkiisa ku saabsan duqeynta Doolow uu ku sheegay in weerarku dhacay xilli uu isaga iyo dad kale ku sugnaayeen guriga.
Dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeysay in wixii ka dhacay Guriga General Shub ay ahaayeen duqeymo cirka ah balse ku tilmaamay waxyaaba qarxa oo Guriga lagu diyaarinayay.
Illaa iyo hadda ma jirto baariraan rasmi ah oo sheegashooyinka labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijinaya waxa ka dhacay Doolow.











