Saraakiisha amniga degmada Doolow, mas’uuliyiinta Itoobiya iyo Guddoomiyaha degmada Doolow ayaa kulan ka yeeshay xaaladda ka soo cusboonaatay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Kulanka ayaa looga hadlay sida loo dhaqan-gelinayo heshiiskii la sheegay in dhinacyada siyaasadda iyo ciidamada ee gobolka Gedo ay ka gaareen xaaladda gobolka, gaar ahaan arrimaha maamulka iyo ciidamada ku sugan Baladxaawo.
Guddoomiyaha Doolow, oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in la qorsheynayo in muddo 36 saac gudahood ah uu Baladxaawo ka dhaqan galo heshiiska lagu wareejinayo maamulka magaalada Jubaland.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Jubaland ee ku sugan deegaanka Cumar Jilacoow ay hubkooda ku wareejin doonaan guddiga wasiirrada Jubaland ee la filayo inay yimaadaan deegaanka, halka Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) uu isna ku wareejin doono ciidamada iyo hubka ay hayaan mas’uuliyiinta Jubaland ee imaanaya.
Guddoomiyaha Doolow, Lafey, ayaa sheegay in uusan aqbali doonin cid aan ahayn maamulka Jubaland inay ka shaqeyso deegaannada xuduudaha ee Baladxaawo iyo Doolow.
Dhanka kale, Lafey ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada dowladda federaalka ee Baladxaawo uusan caqabad ku noqon doonin haddii Jubaland ay magaalada si nabad ah ula wareegayso.
Cabdirashiid Janan ayaa isna saaka la hadlay saraakiisha dowladda federaalka ee ku sugan xerada UK, waxaana uu sheegay in Baladxaawo uu ku wareejinayo maamulka Jubaland.
Janan ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo ciidamada Jubaland ee magaalada, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii Nairobi lagu gaaray.
Hadaladan ayaa ku soo aadaya xilli xaaladda gobolka Gedo ay ka socoto dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo ciidan, iyadoo dhinacyada ku lugta leh ay sheegayaan inay doonayaan in heshiisyada la gaaray lagu dhaqan-geliyo si nabad ah.










