Urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay yeeshaan wada-hadallo loo dhan yahay, si heshiis ballaaran looga gaaro qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka.
Golaha Wasiirrada IGAD ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee siyaasadda inay sii wadaan wadahadallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka mustaqbalka.
Baaqa ayaa ku soo aadaya xilli ay weli jiraan khilaafaad u dhexeeya dowladda federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo kooxaha mucaaradka, kuwaas oo ku kala duwan qaabka loo qabanayo doorashada.
Dowladda federaalka ayaa taageersan in dalka loo gudbo doorasho qof iyo cod ah, halka dhinacyada ka soo horjeeda ay ku adkeysanayaan in qaabka doorashada lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
IGAD ayaa sidoo kale mar kale caddeysay inay taageersan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dhanka amniga, ururku wuxuu ku baaqay in la helo maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo oo lagu taageero Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), si uu u sii wato waajibaadkiisa amni.









