Joshua Meservey: Somaliland si joogto ah uma sharaxdo sababta uu aqoonsigu muhiim ugu yahay

0

Joshua Meservey, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Machadka Hudson ee fadhigiisu yahay Washington, ayaa sheegay in Somaliland ayna  si joogto ah oo istiraatiiji ah u soo bandhigin sababta ay aqoonsiga caalamiga ahi muhiim ugu yahay, gaar ahaan marka laga eego danaha qaranka Maraykanka iyo isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Meservey ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay telefishanka Israa’iil laga leeyahay ee i24NEWS, isagoo la hadlayay wariyaha Nicole Zedeck, kaddib kulan iyo dood uu 14-kii September 2026 kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xarunta Machadka Hudson ee Washington. Kulanka ayaa looga hadlay doorka istiraatiijiyadeed ee Somaliland ee Geeska Afrika.

Meservey oo ka hadlayay dadaallada Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga ayaa sheegay in mararka qaar doodaha Somaliland ay yihiin kuwo wanaagsan, isla markaana uu ku raacsan yahay qaybo ka mid ah qodobbada ay soo bandhigto, balse uu tilmaamay in marka laga hadlayo juqraafi-siyaasaddeedka iyo danaha qaranka loo baahan yahay dood si cad u muujinaysa sababta aqoonsiga Somaliland uu muhiim ugu noqon karo Maraykanka.

“Somaliland may awoodin inay si joogto ah u muujiso sababta aqoonsigu muhiim u yahay,” ayuu yidhi Meservey, isaga oo sheegay in mararka qaar doodaha Somaliland ay noqon karaan kuwo wanaagsan, hase yeeshee, wuxuu sheegay in marka laga hadlayo juqraafi-siyaasaddeedka iyo danaheeda loo baahan yahay dood dhab ah oo ku salaysan xaqiiqooyinka iyo danaha istiraatiijiyadeed.

“Marka aan ka hadlayno juqraafi-siyaasaddeedka iyo marka aan ka hadlayno danaha qaranka, waa inaad soo bandhigtaa dood dhab ah oo macquul ah oo sharraxaysa sababta ay lagama maarmaan u tahay in Maraykanku aqoonsado Somaliland,” ayuu yidhi.

Meservey ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Hargeysa ayna si joogto ah uga shaqayn dhismaha dooddaas, isaga oo tilmaamay in tallaabada xigta ee Somaliland ay tahay inay si xeeladaysan u diyaarsato dood ku salaysan danaheeda, isla markaana ay si joogto ah ugu gudbiso Washington iyo caasimadaha kale ee caalamka.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu booqasho ku joogay Washington, halkaas oo uu kulamo iyo dooddo kala duwan kula yeeshay masuuliyiin iyo hay’ado Maraykan ah.

14-kii September ayuu Madaxweyne Cirro ka qaybgalay dood ka dhacday Machadka Hudson, taas oo diiradda lagu saaray doorka Somaliland ee Geeska Afrika iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha istiraatiijiyadeed.