Bannaanbax ka dhan ah Turkiga oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

0

Bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Turkiga ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, iyadoo dadkii ka qeyb galay ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan siyaasadda iyo faragelinta ay sheegeen in Turkigu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha ayaa watay astaamo iyo qoraallo ka dhan ah dowladda Turkiga, iyagoo si cad u muujiyay mowqifkooda ku aaddan waxa ay ku tilmaameen gardarro iyo faragelin shisheeye oo ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka hadlay bannaanbaxyada ayaa dowladda Federaalka iyo Turkiga u jeediyay eedeymo culus.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sabab u tahay dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka geliyay xaalad adag.

Wasiirka ayaa yiri“Dowladnimadii iyo wax wada lahaanshihii waxaa waxba kama jiraan ka dhigay Xasan Sheekh oo waqtigiisu dhamaaday, annaguna diyaar ayaan u nahay inaan iska difaacno isaga iyo gumaystaha cusub.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Cumar Faraweyne, ayaa si adag u weeraray dowladda Turkiga, isagoo ku eedeeyay inay Soomaaliya ka waddo faragelin.