Maraykanka oo kordhinaya joogitaankiisa militari ee Puntland

0

Maraykanka ayaa la sheegay inuu kordhinayo hawlgallada cirka iyo joogitaankiisa militari ee Puntland, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay 3-dii Sebtembar hawlgallo sahamin ah ka sameeyeen buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Sida ay saraakiil amni oo Puntland ah u sheegeen warbaahinta Drop Site, diyaaradaha ayaa hawlgallo ka fuliyay deegaannada Togga Miraale iyo Togga Baalade, kuwaas oo loo arko goobo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada kooxda ISIS.

Saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay gudaha Togga Baalade ku arkeen dagaalyahanno looga shakisan yahay ISIS oo la socday gaari dameer, kaddibna ay duqeymo ka fuliyeen agagaarka deegaanka abbaaro 8:30 fiidnimo.

Hawlgalladan ayaa imanaya xilli Washington ay qorsheynayso inay ballaariso saldhig militari oo cusub oo laga dhisayo magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.

Qorshaha saldhigga ayaa lagu dhawaaqay kaddib kulan 2-dii Agoosto magaalada Boosaaso ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude Tudor.

War kasoo baxay Puntland ayaa sheegay in Maraykanku ballaarin doono saldhiggiisa Boosaaso si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo amniga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Hase yeeshee, shan sarkaal oo amni oo Puntland ah ayaa Drop Site u sheegay in heshiisku ka weyn yahay sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah, ayna tahay in saldhigga cusub uu si toos ah uga howlgalo Boosaaso.

Sida ay saraakiishu sheegeen, Maraykanku hadda Boosaaso wuxuu ku leeyahay xafiis ay adeegsadaan AFRICOM iyo CIA, kaas oo isku xira ciidamada Puntland iyo xarunta AFRICOM ee Jabuuti marka loo baahdo taageero cirka ah.

Marka saldhigga cusub la dhammeeyo, saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay duqeymaha iyo hawlgallada sahanka si toos ah uga bilaabi doonaan Boosaaso.

Buuraleyda Cal-Miskaad ayaa muddo ku dhow laba sano waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland oo taageero ka helaya Maraykanka iyo dagaalyahannada ISIS.

Maraykanka ayaa xilligan kordhiyay duqeymaha iyo hawlgallada uu ka fulinayo Soomaaliya, iyadoo kooxda ISIS ay weli qaybo ka mid ah buuraha ku leedahay saldhigyo ay ku dhuumato.

Sida laga soo xigtay xogta New America ee lagu xusay warbixinta, Maraykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 205 duqeyn intii uu Donald Trump bilaabay muddadiisa labaad ee madaxtinimada, waxaana 53 boqolkiiba duqeymahaasi lala beegsaday ISIS.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Maraykanku qorsheynayo samaynta ciidan cusub oo maxalli ah oo ka howlgala Puntland, kaas oo la dagaallami doona kooxaha argigixixisada.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Maraykanku uu mas’uul ka noqon doono mushaharka, qalabaynta iyo tababarka ciidamadaas, inkastoo tiradooda aan weli la go’aamin.