Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi ee Dalka Kenya

0

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday Cabdirashiid Janan iyo maamulka Jubbaland ayaa maanta ka bilaabanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dhaqan-gelinta heshiiskii dhawaan dhexmaray Janan iyo Jubbaland, kaasoo looga gol lahaa in la soo afjaro khilaafkii siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeyay dhinacyada.

Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo, Nasteex, ayaa shalay ka baxay magaalada Beledxaawo, iyagoo kusii jeeda dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan diyaarad gaar ah looga qaadayo xero ku taalla agagaarka Beledxaawo, waxaana loo gudbinayaa magaalada Nairobi, halkaas oo lagu wado in lagu qabto kulamo muhiim ah oo lagu dhameystirayo qodobbada heshiiska.

Madax ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa haatan ku sugan Nairobi, waxaana la filayaa inay halkaasi kula kulmaan Janan iyo xubnaha la socda, si loo dhameystiro heshiiskii hore loo gaaray loona bilaabo dhaqan-gelintiisa.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo xasilloonida Gobolka Gedo ay socdaan, iyadoo labada dhinac ay doonayaan in heshiiskii la gaaray loo beddelo tallaabooyin rasmi ah oo dhaqan-gala.