Israa’iil oo dal ay Soomaali badan ku nooshahay ku tilmaamay Jamhuuriyad Islaami ah

0

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa difaacay hadalka Benjamin Netanyahu, isagoo taageeray aragtida hoggaamiyihiisa ee ah in Ingiriiska lagu tilmaamo “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Britain.”

Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay podcast ka baxa Raadiyaha Ciidanka Israa’iil ku xusuustay inuu mar la kulmay wiilka uu awoowaha u yahay Winston Churchill, oo uu ku tilmaamay “qof Israa’iil jecel”. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in maanta aysan suurtagal ahayn in qof sidaas oo kale ah laga helo Ingiriiska.

Wuxuu intaas ku daray in Ingiriiska maanta uu yahay “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Britain.”

Dowladaha UK iyo Israa’iil ayaa muddo dheer ahaa xulafo dhow, balse wixii ka dambeeyay dagaalka Gaza, xiriirkooda waxaa soo kala dhex galay khilaafyo sii xoogeysanaya.

Tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday, xiriirka labada dowladood ayaa sii xumaaday, iyadoo ay soo baxeen xiisado iyo is-mariwaa siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.

Xiriirka taariikhiga ah ee UK iyo Israa’iil

Britain waxay ka mid ahayd waddamadii door weyn ka qaatay aasaaskii Israa’iil. Tusaalaha ugu weynna waa Bayaankii Balfour, oo loo arko mid ka mid ah dhagaxyadii aasaaska u ahaa samaysanka Israa’iil.

Sannadkii 1917, Britain waxay dhulkii Falastiin kala wareegtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxay sidoo kale taageertay in dadka Yuhuudda ah ay Falastiin ka samaystaan deegaan ay ku noolaadaan. Arrintan waxaa lagu muujiyay Bayaankii Balfour.

Bayaankaas oo ka koobnaa qiyaastii 60 eray ayaa lagu sheegay in Britain ay taageerayso in dadka Yuhuudda ah ay Falastiin ka sameystaan “guri qaran”. Isla bayaankaas waxaa lagu daray in aan la samayn karin wax tallaabo ah oo wax u dhimaysa xuquuqda madaniga ah iyo tan diimeed ee dadka aan Yuhuudda ahayn ee ku nool Falastiin.