Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan cid Soomaali ah u hayn colaad, isagoo xusay in khilaafaadka siyaasadeed ee jira aysan ahayn kuwo ku saleysan deegaan, qabiil ama shaqsi.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay ka hortagto cid kasta oo isku dayda inay dhiig daadiso ama khal-khal geliso amniga iyo midnimada dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu aysan u socon inay dhiig daadiso ama colaad abuurto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay hadallo iyo dhaq-dhaqaaqyo uu sheegay inay kicin karaan shacabka, isla markaana dib u soo noolayn karaan dhaawacyadii iyo colaadaha hore uga dhacay dalka.
Wuxuu sheegay in waajibka ugu horreeya ee dowladda Federaalka uu yahay ilaalinta sharciga, midnimada dalka iyo in Soomaaliya ay hal dhinac u wada socoto, isagoo sheegay in dowladda iyo hay’adaha kala duwan ay arrintaas ka shaqeynayaan.
“Ma jiro qof Soomaali ah oo ay dowladda iyo mas’uuliyiinteedu colaad u hayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo intaas ku daray in muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay dowladda u hayso wanaag, waxtar, sharaf iyo karaamo.
Hadallada Madaxweynaha ayaa yimid xilli Puntland ay ka digtay qorshe ay sheegtay in dowladda Federaalka ka waddo magaalada Gaalkacyo, iyadoo la xiriirisay arrintaas safar la filayo inuu Madaxweynaha Soomaaliya ku tago magaalada.
Xasan Sheekh ayaa dhanka kale sheegay in qof kasta uu xor u yahay fikirkiisa iyo hadalkiisa, balse aanay habboonayn hadallo uu ku tilmaamay kuwo dadka kicinaya ama dib u xoqaya boogihii hore ee bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Soomaalida inay ka shaqeeyaan wanaagga, nabadda iyo midnimada dalka, isagoo sheegay in dowladda ay waajib ku tahay inay ka hortagto tallaabo kasta khatar gelin karta nabadda iyo maslaxadda guud.











