Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir oo xorriyaddeeda u soo celisay Sacdiya Bajaaj

0

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyaddeeda u soo celisay Sacdiya Macallin Cali, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, kaddib markii ay xabsiga ku jirtay 122 maalmood oo u dhiganta in ka badan afar bilood.

Maxkamaddu waxay laashay xukun saddex sano ah oo horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu ridday Sacdiya, iyadoo sheegtay in xukunku aanu waafaqsanayn sharciga.

Sacdiya ayaa muddadaas u xirnayd eedeymo la xiriiray kiis ay maxkamaddu gacanta ku haysay oo ku saabsanaa kicin bulsho iyo xadgudub ka dhan ah madaxda dowladda, taas oo ay ku mutaysatay in lagu rido xukun saddex sano ah.

Xadhiggeeda ayaa dhaliyay falcelin xooggan oo ka timid qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, mucaaradka iyo hay’ado u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ku baaqay in dib loo eego kiiskeeda lana sii daayo.

Hay’ado iyo ururro xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha garsoorka ugu baaqay in Sacdiya la sii daayo, iyagoo walaac ka muujiyay xadhigeeda iyo xukunkii saddexda sano ahaa.

Dadka u ololeynayay sii deynteeda ayaa si gaar ah u xusay inay tahay hooyo carruur haysata,  iyagoo ku baaqay in loo tixgeliyo xaaladdeeda qoys iyo xuquuqdeeda sharci.