Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo khudbad uu ka jeediyay fadhi wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo ku dhisan xoojinta hay’adaha dowladda, kobcinta awoodda ciidamada iyo horumarinta shuruucda dalka, isagoo xusay in arrimahaasi ay saldhig u yihiin soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo sare u qaadidda sumcadda Soomaaliya ee caalamka.
Khudbaddiisa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in dowladda ay qorsheynayso hawlgallo ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay maanta ka tiro iyo tayo wanaagsan yihiin sidii hore, isla markaana la sii kordhin doono awooddooda.
Dhanka doorashooyinka, Madaxweynaha ayaa difaacay hannaanka doorashooyinka ka dhacay dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in aysan jirin wax cillado ah oo wax u dhimaya hannaankaas. Waxa uu sidoo kale ku celiyay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu yahay hay’adda sharciyeysan ee awoodda u leh wax ku darista iyo ka badelka Dastuurka, isagoo sheegay in dowladdu ay xoogga saartay in go’aannada dastuuriga ah lagu saleeyo hay’adaha sharciga ah.
Isagoo ka hadlayay siyaasadda arrimaha dibadda, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya maanta aysan ahayn dal keliya gargaar dalbada, balse ay tahay dal aragtidiisa laga dhegeysto fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaana door muuqda ku leh iskaashiga gobolka iyo kan caalamka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin u diray Somaliland, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wadahadal kasta oo horseedi kara midnimo iyo is-afgarad, islamarkaana ay ka go’an tahay in xal kasta lagu gaaro wada hadal, iyadoo laga fogaanayo isku dhac.
Dhinaca siyaasadda gudaha, Madaxweynaha ayaa sheegay in mucaaradnimadu ay tahay qayb ka mid ah nidaamka dimuqraadiyadeed, hase yeeshee uu sheegay in diidmo aan xal iyo wadahadal ku dhisnayn aysan wax natiijo ah keeni doonin. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hub qaadasho iyo jabhadeyn aysan noqon karin waddo lagu gaaro talada dalka.
Madaxweynaha ayaa xusay in culimo iyo khubaro Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Somaliland ay door muhiim ah ka qaateen diyaarinta hannaanka doorashada qof iyo cod, isagoo sheegay in geeddi-socodkaasi uu ku dhisan yahay aqoon iyo karti Soomaaliyeed, isla markaana aanu ku tiirsanayn taageero dibadeed.











