Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo iska casilay xilkii uu hayay

0

Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Saadaad Caliyoow, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dowladda Federaalka, si uu ugu tartamo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saadaad Caliyoow ayaa hadalkan ka sheegay kadib furitaankii kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo xusay in go’aanka iscasilaaddiisu uu la xiriiro sidii uu si xor iyo hufan ugu geli lahaa tartanka guddoomiyenimada Golaha Shacabka.

“Waxaan si rasmi ah isaga casilay xilkii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, maadaama aan musharrax u ahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si aan fursad siman ugu helo ololahayga iyo tartanka,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ajandaha ugu horreeya ee horyaalla kalfadhiga 8-aad uu yahay buuxinta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bannaanaaday, isagoo rajo ka muujiyay in doorashada lagu qabto muddada uu sharcigu dhigayo, isla markaana loo maamulo si caddaalad, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh.

Saadaad Caliyoow ayaa sidoo kale ugu baaqay guddoonka ku-meelgaarka ah ee Golaha Shacabka inay xaqiijiyaan hannaan doorasho oo ay musharraxiinta oo dhan u siman yihiin, isla markaana guddiga qabanaya doorashada uu noqdo mid ay kalsooni ku qabaan dhammaan xubnaha Baarlamaanku.

Dhankiisa, wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu sheegay inay siiyeen fursad uu muddo saddex sano ah ugu soo shaqeeyo dowladda Federaalka.

Saadaad Caliyoow ayaa ugu dambeyn sheegay inuu rajeynayo inuu sii wado u adeegidda dalka, isagoo markan u maraya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haddii ay codka siiyaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.