Madaxweyne Deni: Doorasho qof iyo cod ah oo natiijadeeda horay loo sii ogyahay dimuqraadiyad ma ahan

0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag u dhaliilay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in doorasho natiijadeeda horay loo sii ogyahay aysan ka tarjumeyn dimuqraadiyad dhab ah.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aanay macno samaynayn in la qabto doorasho iyadoo hore loo sii og yahay cidda ku guuleysan doonta iyo xisbiga talada qaban doona.

“Wax badan uma arko in la yiraahdo waxaa la qabanayaa doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la og yahay cidda soo bixi doonta iyo xisbiga guuleysan doona. Taasi dimuqraadiyad ma ahan,” ayuu yiri Deni.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku degdegeyso hirgelinta nidaamka doorashada, isagoo sheegay in dowladdu ku mashquulsan dhisidda shaqsiyaad gaar ah halkii ay shacabka siin lahaayeen fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda.

Deni ayaa intaas ku daray in Soomaaliya aysan weli ka jirin caddaalad siyaasadeed oo dhab ah, isla markaana aan la hubin in muwaadiniintu si xor iyo cadaalad leh u dooran karaan cidda ay rabaan.

“Qof qori iyo xoog ku qabsada Soomaaliya ma jiro. Dalka waxaa lagu dhisi karaa oo keliya wada-tashi, sharci iyo rabitaanka shacabka,” ayuu yiri Deni.

Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka dalka.