Golaha Guurtida Somaliland oo doortay Guddoomiye cusub kadib iscasilaaddii Saleebaan Maxamuud Aadan

0

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu doortay Muuse Xaaji Cabdi Ducaale inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha, saacado uun kadib markii Guddoomiyihii hore, Saleebaan Maxamuud Aadan, uu si rasmi ah isaga casilay xilka iyo xubinnimada Golaha Guurtida.

Doorashada ayaa ku dhacday jawi deggen, iyadoo laba mudane oo la tartamayay Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ay tanaasuleen, taas oo sahashay in si aqlabiyad leh loogu doorto guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inuu u arko xilka loo doortay masuuliyad uu shacabka ugu adeegi doono.

“Waxa la ii doortay in aan dadka u adeego. Labadii xildhibaan ee saaxiibbaday ahaa ee ila tartamayay labadooduba way tanaasuleen, wayna ku mahadsan yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse.

Mid ka mid ah musharrixiintii tanaasulay ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si hufan oo nabad ah, isagoo ugu baaqay shacabka Somaliland inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub iyo Golaha Guurtida.

“Doorashadu si wanaagsan ayay u dhacday. Waa naga wada taagan guddoomiyahayaga cusub. Haddii la odhan jiray way is qabqabsanayaan, maanta taas ma jirto. Isagu waa guddoomiyahayagii, waxaanan shacabka Somaliland ka codsanayaa inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub iyo golahaba,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale si weyn u ammaanay Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo ku tilmaamay hoggaamiye door taariikhi ah ku lahaa dhismaha iyo xasilloonida Somaliland. Waxa uu ballanqaaday inuu sii wadi doono u adeegidda shacabka iyo gudashada waajibaadka Golaha si waafaqsan dastuurka iyo danta Somaliland.

Doorashadan ayaa timid kadib markii Saleebaan Maxamuud Aadan, oo 92 jir ah, uu maanta ku dhawaaqay iscasilaaddiisa, isaga oo sheegay in da’da iyo tabar-darrida jidheed ay ku kallifeen inuu xilka baneeyo. Isbeddelkan ayaa soo afjaray hoggaamin socotay muddo ka badan labaatan sano, isla markaana furay bog cusub oo Golaha Guurtida Somaliland uu yeelanayo hoggaan cusub.