Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaasi

0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray Xeer Lr. 191 ee ku taariikhaysan 10-ka Luulyo 2026, kaas oo lagu magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee maamulka.

Xeerkan ayaa lagu sheegay in magacaabista lagu saleeyay Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha dowladda, si loo xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo adeegyada loo fidinayo shacabka.

Golaha Wasiirrada cusub ayaa ka kooban 26 wasiir, kuwaas oo loo kala magacaabay wasaaradaha kala duwan ee maamulka. Sidoo kale, waxaa la magacaabay 3 Wasiir Dowlle, kuwaas oo ka shaqeyn doona xoojinta howlaha wasaaradaha loo igmaday. Wasiirrada cusub waxaa ka mid ah:

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo gole wasiirro oo hoggaamiya fulinta qorshayaasha horumarineed, amniga iyo adeegyada bulshada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

May be an image of ticket stub and textMay be an image of map, blueprint, ticket stub and textMay be an image of map, ticket stub and text