Maraykanka oo cusboonaysiiyay taariikhda ku meel gaarka ah ee oggolaanshaha shaqada ee Soomaalida haysta TPS

0

Hay’adda Adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka ee Maraykanka (USCIS) ayaa cusboonaysiisay hagitaankeeda ku saabsan oggolaanshaha shaqada ee muwaadiniinta ka socda dalal leh xaaladda Temporary Protected Status (TPS), kuwaas oo weli dacwado sharci ay ka socdaan oo la xiriira qorshayaasha lagu joojinayo xaaladdooda.

Hay’adda waxay dejisay taariikho ku meel gaar ah oo loo adeegsanayo oggolaanshaha shaqada, iyadoo Soomaaliya iyo lix dal oo kale loo asteeyay 17-ka Luulyo 2026, halka Haiti loo asteeyay 24-ka Luulyo 2026.

Dalalka ay arrintani khusayso waxaa ka mid ah Soomaaliya, Itoobiya, Suuriya, Myanmar (Burma), Koonfurta Suudaan, Yemen iyo Haiti.

USCIS ayaa caddeysay in taariikhahan aysan ahayn taariikhaha rasmiga ah ee lagu joojinayo xuquuqda shaqada, balse ay yihiin taariikho ku meel gaar ah (placeholder dates) oo loo isticmaali doono inta dacwadaha maxkamaduhu ka gaarayaan go’aannada kama dambaysta ah.

Hay’addu waxay sheegtay in loo-shaqeeyayaasha looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiyaan diiwaannada shaqaalaha ay khusayso kordhintan, iyagoo ku qoraya taariikhaha cusub qaybta xogta dheeraadka ah ee foomamka xaqiijinta shaqada.

USCIS ayaa sidoo kale ku wargelisay shirkadaha inay u oggolaadaan shaqaalaha ay khusayso inay soo bandhigaan dukumenti kasta oo ku jira liiska dukumentiyada la aqbali karo marka la gaaro waqtiga dib-u-xaqiijinta oggolaanshaha shaqada.

Go’aankan ayaa si gaar ah u saameynaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka kana faa’iidaysanaya barnaamijka TPS, maaddaama ay sii haysanayaan oggolaanshahooda shaqo ilaa ugu yaraan 17-ka Luulyo 2026, inta ay maxkamaduhu ka go’aaminayaan mustaqbalka barnaamijka.