Duqa magaalada St. Louis Park oo difaacday booqashadeeda Soomaaliya kaddib dhaliilo ka dhashay safarkeeda

3

Duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, Nadia Mohamed, ayaa difaacday booqasho ay ku tagtay Soomaaliya kaddib markii ay la kulantay dhaliilo ku saabsan inay safarka ku beegtay maalinta dabaal-degga madax-bannaanida Mareykanka ee 4-ta Luulyo.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Nadia Mohamed, oo ah duqii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah ee loo doorto magaalo ku taalla Mareykanka, ay sheegtay in safarkeedu ahaa mid shaqsiyeed oo ay ugu talagashay booqashada xubnaha qoyskeeda oo ay muddo dheer kala maqnaayeen.

Maamulka magaalada St. Louis Park ayaa xaqiijiyey in booqashadu aysan la xiriirin hawlaha dowladda hoose, isla markaana dhammaan kharashaadka safarka ay si gaar ah u bixisay duqa magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamay in intii ay ku sugnayd Soomaaliya ay Nadia Mohamed ka qeybgashay kulamo iyo munaasabado ay ka mid ahaayeen kuwo uu ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo maamulka magaalada uu ku adkeystay in safarka uusan ahayn howl rasmi ah oo dowladda hoose metelayso.

Booqashada ayaa dhalisay dood siyaasadeed gudaha Mareykanka, iyadoo qaar ka mid ah dadka wax dhaliila ay su’aal geliyeen waqtiga safarka, halka taageerayaasheedu ay sheegeen in ay xaq u leedahay inay fasaxeeda gaarka ah ku booqato qoyskeeda.

Nadia Mohamed ayaa noqotay duqii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah ee loo doorto hoggaanka magaalo ku taalla Mareykanka, waxaana si weyn loogu yaqaannaa ka qeybgalka arrimaha bulshada iyo siyaasadda gobolka Minnesota.