Somaliland: Israa’iil iyo Falastiin diin iskuma hayaan ee khilaaf dhul ayaa ka dhexeeya

0

ukuumada Somaliland ayaa sheegtay in waddamada Israa’iil iyo Falastiin anay diin isku hayn, lakiin khilaaf dhul uu ka dhexeeyo, sidaas ay tahayna waddamada Islaamku ay isku dayayaan in ay arrinta u yeelaan sawir diimeed si ay ugu fushadaan danahooda, isla markaana u balaadhiyaan saamayntooda dunida Islaamka.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga ay ku dhisan tahay adeegsiga diinta Islaamka si loogu fuliyo dano qaran iyo kuwo siyaasadeed. Sida uu sheegay, arrintaasi waxay sababtay in dunida Islaamka laga dhex abuuro aragti ka dhan ah in Israa’iil lala yeesho xidhiidh diblomaasiyadeed.

Wasiirku waxa uu xusay in Israa’iil heshiiskii ugu horreeyay ee ay la gasho dal Carbeed uu ahaa heshiiskii Camp David ee ay la saxeexatay Masar sannadkii 1978-kii. Waxa uu sheegay in wixii xilligaas ka dambeeyay ay socdeen wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ku qotoma muranka dhuleed iyo arrimo siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahaayeen khilaaf diimeed.

Waxa uu intaas ku daray in xitaa Falastiiniyiinta oo u badan Muslimiin aanay Israa’iil kala hadlin arrimo diimeed, balse ay diiradda saareen dhulka lagu muransan yahay iyo sidii xal siyaasadeed looga gaadhi lahaa khilaafka labada dhinac.

Isagoo ka hadlayay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, wasiirku waxa uu sheegay in xidhiidhkaasi ku dhisan yahay is-ixtiraam, iskaashi dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ah, isla markaana aanu salka ku hayn arrimo la xidhiidha diinta. Waxa uu sheegay in Somaliland ay la yeelatay Israa’iil xidhiidh ku salaysan dano ay labada dhinac wadaagaan.

Wasiir Khadar waxa kale oo uu ku dooday in shacabka Somaliland loo adeegsanayo dood diimeed si looga horyimaado xidhiidhka Israa’iil, isaga oo sheegay in dalal ay ka mid yihiin Turkigu ay si adag uga soo horjeedaan xidhiidhka, inkasta ay kamid yihiin waddamada xidhiidhka ganacsi ee ugu ballaadhan la leh Israa’iil.

Dalal badan oo Islaam ah, oo ay ka mid yihiin Turkiga, Sacuudiga iyo Masar, ayaa hore u muujiyay diidmadooda ku aaddan xidhiidh kasta oo Somaliland la yeelato Israa’iil. Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in heshiis kasta oo noocaas ahi uu dhaawacayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.