Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 10 qof oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafinayeen wax ay ku tilmaameen “dhaqan xumo”, iyagoo ku dhawaaqay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah dadka ay ku eedeeysan falalkaas.
“Waxaan rabnaa inaan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno qeyb ka mid ah dadkii ay bulshada ka cabanaysay, kuwaas oo ay ku guuleysteen ciidamada CID inay gacanta ku soo dhigaan,” ayuu yiri afhayeenku.
Sida uu sheegay, ciidamada booliska ayaa bartilmaameedsanaya dadka uu ku eedeeyay inay baraha bulshada ku faafinayaan muuqaallo iyo waxyaabo ka hor imanaya dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in qaar ka mid ah eedeysanayaasha ay dhaawacmeen xilligii lagu daba jiray iyagoo isku dayayay inay baxsadaan.
Afhayeenku wuxuu sheegay in howlgalku uusan ku koobnayn dadka la soo bandhigay oo keliya, balse ay jiraan dad kale oo xiran, kuwaas oo sida uu sheegay mar dambe loo soo bandhigi doono.
“Wuxuu sheegay in haddii qofku uusan ilaalin dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, uu wajihi doono tallaabo sharci ah, isla markaana la horgeyn doono maxkamad.”
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in waaxda baarista dambiyada ee booliska ay sameysatay qeyb gaar ah oo la dagaallanta dambiyada ka dhaca aaladaha elektarooniga ah (Cyber Crime), taas oo sida uu sheegay daba geli doonta falalka ka dhaca baraha bulshada.
Dhanka kale, wuxuu digniin u diray milkiilayaasha hoteellada iyo goobaha lagu qabto munaasabadaha, isagoo sheegay in goob kasta oo lagu qabto ama lagu baahiyo waxyaabo ay boolisku ku tilmaamaan dhaqan xumo laga qaadi doono tallaabo sharci ah, islamarkaana laga yaabo in laga laabto ruqsadda shaqada.











