Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Dhuusamareeb, xilli wada-hadallo ku saabsan doorashada Galmudug ay marayaan meel xasaasi ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu maalmaha soo socda ku yeesho kulammo la xiriira dowlad-dhiska iyo arrimaha siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay sheegtay Xukuumadda Federaalka, safarka Xamse Cabdi Barre ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Galmudug, iyadoo lagu wado inuu kulammo la yeesho hoggaanka maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli wararka laga helayo Dhuusamareeb ay tilmaamayaan in isfaham hordhac ah laga gaaray wada-hadallo maalmo socday oo u dhexeeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamadaas, oo qabsoomay afar wareeg, diiradda lagu saaray hannaanka doorashada Galmudug, gaar ahaan qorshaha lagu hirgelinayo nidaamka qof iyo cod. Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa intaa ku daraya in dhinacyadu isku afgarteen qodobo muhiim ah, halka booqashada Ra’iisul Wasaaraha la filayo inay gacan ka geysato dhammaystirka qodobada harsan iyo suurtagalnimada ku dhawaaqista heshiis rasmi ah.

Wararka siyaasadeed ee isa soo taraya ayaa muujinaya in dadaallo lagu doonayo in la isku waafajiyo aragtiyada ku saabsan hannaanka doorashada Galmudug ay weli socdaan, iyadoo booqashada Ra’iisul Wasaaraha Dhuusamareeb loo arko mid muhiim u ah jihada uu qaadan doono geeddi-socodkaas.