Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha, kaddib bilo ay socdeen cadaadis siyaasadeed iyo khilaafyo ka dhex jiray xisbigiisa.
Starmer ayaa hadal uu ka jeediyay bannaanka xarunta dowladda ee 10 Downing Street ku sheegay inuu sii ahaan doono sii-haye ilaa laga soo doorto hoggaan cusub, si loo xaqiijiyo wareejin awood oo habsami leh.
Is-casilaaddiisa ayaa ku soo beegantay xilli Xisbiga Shaqaaluhu uu guuldarrooyin culus kala kulmay doorashooyinkii dawladaha hoose ee bishii May, isla markaana ay sii kordheen dhaleeceynta iyo mucaaradka uga imanayay xildhibaannada xisbigiisa, kuwaas oo ka biyo diidsanaa siyaasaddiisa dhaqaale iyo dib-u-habaynta daryeelka bulshada.
Sidoo kale, guushii uu siyaasiga Andy Burnham ka gaadhay doorasho gaar ah oo dhacday 18-kii Juun ayaa sii xoojisay hadal-heynta ku saabsan loollan cusub oo lagu dooranayo hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha.
Sahan ay samaysay shirkadda Ipsos ayaa muujiyay in 52 boqolkiiba shacabka Ingiriiska ay aaminsan yihiin in Starmer uu xilka ka dego, halka 35 boqolkiiba oo keliya ay taageersanaayeen inuu sii joogo.
Is-casilaadda Keir Starmer ayaa Ingiriiska gelinaysa marxalad cusub oo siyaasadeed, iyadoo dalkaasi yeelanaya hoggaamiyihii toddobaad muddo toban sano gudahood ah, arrintaas oo ka tarjumaysa isbeddellada iyo xasillooni-darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ee ka jirta dalkaasi.











