Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Deni ku eedeeyay inuu Puntland u adeegsanayo dano shaqsiyeed

1

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si kulul uga jawaabay khudbad uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka jeediyay Golaha Wakiillada Puntland, isaga oo ku eedeeyay inuu ka hadlay dano shaqsiyeed halkii uu ka meteli lahaa shacabka Puntland.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, wasiirku wuxuu sheegay in khudbadda Deni ay ahayd mid ku dhisan caro siyaasadeed iyo isku day lagu qarinayo fashilka hoggaamintiisa. Wuxuu ku dooday in madaxweynuhu aanu soo bandhigin arrimo dan u ah Puntland, balse uu xoogga saaray ajandihiisa siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Deni inuu dhaawacay wadajirka siyaasadeed ee Puntland, siyaasadeeyay amniga gudaha, isla markaana uu isku dayayo inuu shacabka ka leexiyo su’aalaha ku saabsan waxqabadka maamulkiisa.

“Hogaamiye Siciid uma hadlin shacabka Puntland, balse wuxuu u hadlay damaciisa shaqsiga ah, isagoo Puntland ka dhigaya aalad uu ku difaaco danihiisa gaarka ah.” Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Wasiir Cali Xoosh wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland uu mararka qaar midnimada Soomaaliya u adeegsado aalad siyaasadeed oo uu ku difaaco danihiisa, isaga oo ku eedeeyay inuu ka baxay heshiisyo hore oo la xiriiray geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu ku eedeeyay Deni inuu wiiqay hay’adihii Puntland, yareeyay wada-tashigii siyaasadeed, isla markaana awoodda dowladda ku ururiyay xafiiskiisa. Wuxuu intaas ku daray in khudbadda madaxweynaha ay ahayd mid lagu mashquulinayo shacabka Puntland halkii looga hadli lahaa mustaqbalka iyo horumarka deegaannada maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay tahay tiir muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana aan loo adeegsan karin dano gaar ah ama gorgortan siyaasadeed.