Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in tallaabada ay Somaliland ku aqoonsatay magaalada Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil ay ka tarjumayso is-ixtiraam qaran iyo faham ay labada dhinac ka wadaagaan muhiimadda aqoonsiga, madaxbannaanida iyo xuquuqda qaran.
“Waxaan si weyn u soo dhoweynayaa in Somaliland ay safaarad ka furato Qudus, caasimaddeenna qadiimiga ah. Sida aad uga filaysaan dunida inay aqoonsato madaxbannaanidiinna, annaguna sidaas oo kale ayaan u aragnaa xaqa aan u leenahay caasimaddeenna,” ayuu yidhi Netanyahu.
Waxa uu intaas ku daray in booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana Israa’iil ay ku faanayso inay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, isaga oo sheegay inuu aaminsan yahay in dalal kale ay tallaabadaas ku dayan doonaan.
Magaalada Qudus ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu muranka badan Bariga Dhexe, iyadoo Falastiiniyiinta ay u arkaan Bariga Qudus inay tahay caasimadda dawladda Falastiin ee mustaqbalka, halka Israa’iil ay magaalada oo dhan u aqoonsan tahay caasimaddeeda aan la kala qaybin karin.
Inta badan dalalka Islaamka iyo xubnaha beesha caalamka ayaa weli kasoo horjeeda in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil, iyaga oo ku adkaysanaya in masiirka magaalada lagu go’aamiyo wada-hadallo nabaddeed oo dhexmara Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.











