Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo booqashadiisa ay ku soo aadayso xilli maamulka Hirshabeelle uu ku jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo inay dhacaan 20-ka June.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Jowhar inuu kulamo wadatashi ah la yeesho hoggaamiyeyaasha bulshada, waxgaradka, shacabka deegaanka iyo masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta maamulka deegaanka.
Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Hirshabeelle ayaa lagu soo dooran doonaa golayaasha deegaanka iyo xubno matalaya shacabka, waxaana maamulka iyo dowladda federaalku ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada, matalaadda shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kormeero xaaladda guud ee deegaannada Hirshabeelle, isla markaana xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar.
Mashaariicdaas ayaa isugu jira kuwa kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
Dhanka kale, amniga magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay kahor imaanshaha madaxweynaha, iyadoo ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo nabadgelyada magaalada iyo goobaha uu booqan doono.
Booqashadan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo inay ka dhacaan Hirshabeelle, Galmudug iyo deegaanno kale, kuwaas oo dowladda u aragto tiir muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka











