Ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga billowday magaalada Muqdisho, kadib markii Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Wararka siyaasadda ayaa sheegaya in kulamo iyo loollan siyaasadeed ay durba ka curtay Muqdisho, iyadoo siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaano ay bilaabeen ololaha kursiga bannaanaanaya ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Dhaqdhaqaaqyada cusub ee siyaasadeed ayaa imanaya xilli kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu noqday mid si weyn loogu loollamayo, iyadoo Villa Soomaaliya, xildhibaano iyo siyaasiyiin saameyn leh ay bilaabeen abaabul xooggan oo ku saabsan cidda hoggaanka Golaha qaban doonta bilaha soo socda.











