Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Maraykanku si dhow uga shaqaynayso sidii loo xaqiijin lahaa in “dadka saxda ahi” ay dalkiisa soo galaan inta lagu jiro tartanka Koobka Adduunka ee FIFA, kaas oo Maraykanku martigelinayo.
“Waxaan rabnaa in taageerayaasha iyo martida sharciyeysan ay si fudud ku yimaadaan, balse sidoo kale waxaan hubinaynaa in dadka saxda ahi ay soo galaan dalka,” ayuu yidhi Trump.
Maamulka Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyay adkeeyay siyaasadaha socdaalka iyo baadhitaannada amniga, iyadoo la hakiyay ama la xaddiday adeegyada qunsuliyadaha ee meelo kala duwan, halka sidoo kalena la kordhiyay hubinta dadka codsanaya fiisayaasha. Saraakiisha federaalka ayaa sheegay in tallaabooyinkan looga gol leeyahay in laga hortago in shaqsiyaad khatar amni loo arko ay ka faa’iidaystaan socdaallada la xidhiidha Koobka Adduunka.
Hadalka Trump ayaa kusoo beegmaya iyadoo si weyn loo hadal hayo kiiska garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan, oo loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika sanadkii 2025. Cartan ayaa la filayay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee garsoore ka noqda tartanka Koobka Adduunka, balse waxaa loo diiday inuu galo Maraykanka.
Wararka ayaa sheegaya in diidmada dal-ku-galka Cumar Cartan ay la xidhiidhay siyaasadaha cusub ee socdaalka iyo baadhitaannada adag ee maamulka Trump, iyada oo lagu eedeeyay in kooxo xagjir ah uu xidhiidh la leeyahay, inkasta oo Maamulka Trump aanu wax caddayn ah keenin.
Kiiska Cartan ayaa dhaliyay dood ballaadhan oo ku saabsan saamaynta ay xayiraadaha socdaalku ku yeelan karaan ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo masuuliyiinta ciyaaraha ee ka imanaya dalalka ay saameeyeen xeerarka cusub ee socdaalka Maraykanka.











