Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa difaacay go’aanka lagu diiday garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdilqaadir Cartan gelitaanka Mareykanka, maalmo yar ka hor bilaabashada Koobka Adduunka ee FIFA, isagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay kooxo argagixiso sida CNN qortay.
Bayaan ay soo saartay Hay’adda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa lagu sheegay in Cartan lagu sameeyay baadhitaan dheeraad ah markii uu soo galay dalka, kadibna lagu go’aamiyay inuusan u qalmin gelitaanka Mareykanka sababo la xidhiidha waxa ay ku tilmaantay “walaacyo ka dhashay hubinta amniga iyo baadhitaanka xogtiisa”.
Hay’addu waxay sheegtay in dhammaan dadka soo galaya Mareykanka ay maraan habraacyo baadhitaan iyo xaqiijin ah, iyadoo xustay in go’aamada gelitaanka lagu saleeyo xogaha ay hayaan hay’adaha amniga, sharci fulinta iyo socdaalka.
Diidmada gelitaanka Cartan ayaa kusoo aadaysa iyadoo maamulka Trump uu dhawaan adkeeyay xayiraado socdaal oo saameeyay muwaadiniinta dalal dhowr ah, oo Soomaaliya ku jirto. Tallaabadan ayaa qayb ka ah siyaasadaha adag ee socdaalka iyo amniga ee maamulkaasi dib u soo celiyay.
Cartan ayaa adduunka oo dhan caan ka noqday kadib diidmada uu kala kulmay Maraykanka, iyada oo dadka kubada cagta falanqeeya ama ku lugta leh ee caalamka oodhani ku tulmaameen tallabada Washington mid nasiib daro ah.











