Masar oo heshiis ka dhan ah Itoobiya la gashay dowladda Eritrea

7

Masar iyo Eritrea ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis iskaashi gaadiidka badda ah oo lagu bilaabayo khad maraakiib ah oo isku xira dekedaha labada dal, iyadoo Qaahira ay sheegtay in amniga Badda Cas uu gaar u yahay dalalka xeebaha leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas ay qeyb ka tahay amniga qaranka Masar, isagoo taageeray aragtida Eritrea ee maamulka Badda Cas iyo in aan ku ku lug yeelan dalal aan xeeb ku lahayn.

Heshiiska ayaa la saxiixay intii ay wafdi Masri ah oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka gaadiidka booqasho ku joogeen Asmara, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay Eritrea kala shaqeyn doonto horumarinta dekedaha, tareennada iyo gaadiidka badda, iyadoo shirkado gaar loo leeyahay ay sahamiyeen fursado maalgashi oo ay ku jiraan macdanta, kalluumeysiga iyo dawooyinka.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli Itoobiya ay sii waddo dadaallada ay ku dooneyso marin ay ku gaarto Badda Cas, arrin dhalisay walaac iyo loollan diblomaasiyadeed oo ka jira Geeska Afrika.