Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka digay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha muddo kororsiga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo ku sugan Muqdisho, isla markaana qeyb ka ah wakiillada mucaaradka ee wada hadallada la yeeshay dowladda Federaalka, ayaa sheegay in siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aysan ka turjumeyn danaha shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhinacyada caalamiga ah ee garwadeenka ka ahaa wada hadallada siyaasadeed aysan taageerin siyaasadda dowladda Federaalka ee la xiriirta muddo kororsiga iyo khilaafka ka taagan hannaanka siyaasadeed ee dalka.
DAAWO.











