Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aanno cusub oo si ku-meel-gaar ah u saameynaya howlaha dib-u-habeynta dhulalka caasimadda Muqdisho, kadib cabashooyin xooggan oo ka yimid shacabka ku nool qaar kamid ah degmooyinka magaalada.
Go’aanadaan ayaa lagu sheegay in ay ku timid fulinta amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo si gaar ah loo tixgeliyay cabashooyinka shacabka ee la xiriira howlaha dhul-bixinta iyo dib-u-habeynta caasimadda.
Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan howlaha fulinta, baneynta iyo furista waddooyinka ee ka socda dhulalka caasimadda, Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir na lagu amray in uu si degdeg ah u dhaqan geliyo go’aankan.
Sidoo kale, waxaa uu xusay Afhayeenka in la magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban khubaro dhul, sharci-yaqaanno, culimo diini ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, kuwaas oo loo xil saaray in ay si qoto dheer u baaraan cabashooyinka shacabka iyo dukumeentiyada ay haystaan.











