Iska horimaad saacado qaatay ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, kadib markii shacabka deegaanka ah oo kasoo horjeeda barakicinta dowlada iyo ciidamada booliska ay isku dhaceen.
Iska horimaadka ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida la xaqiijiyay, waxaa ku dhintay wiil yar oo lagu magacaabi jiray Musamil Yuusuf Cusmaan, kaas oo da’diisu ahayd 3 sano jir.
Nabadoon Xalane ayaa ugu baaqay shacabka inay difaacdaan dhulkooda, xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira murannada dhulka iyo barakicinta ka socota qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Nabadoon Xalane “Ciidamada Mw Xasan Sheekh ayaa weerar qaawan caawa ku soo qaaday dadka aan nabadoonka u ahay ee Warlaliska, dadka deegaanka waxaan leeyahay Shahiid ayaa tihiin iska celiya dadka idin soo weeraray, haka cararina”.











