Jaamacadda Carabta oo si adag u cambaareysay magacaabista safiir Israa’iil ee Somaliland

13

Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay ku magacowday safiir u qaabilsan deegaanada ay ka arrimiso Somaliland.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid “baadil ah oo aan sharci ahayn,” isla markaana si toos ah u dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ururku wuxuu sidoo kale ku tilmaamay arrintan mid sii hurinaysa xiisado cusub oo gobolka ah, isla markaana ka hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Jaamacadda Carabta ayaa xustay in Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda uu horey u qaaday mowqif mideysan oo si cad u diiday aqoonsi ama xiriir kasta oo dibadda ah oo lagu sameeyo maamul ka baxsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay halis ku yihiin amniga guud ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marin-ka Bab-el-Mandeb.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Carabta waxay ku boorrisay beesha caalamka in ay ilaaliso sharcinimada caalamiga ah, isla markaana ay ka fogaato wax kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.