Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay magaalada Baydhabo wax yar kaddib markii duleedka magaalada dagaal kula galeen ciidamada koonfur Galbeed.
Muuqaallo laga soo duubay magaalada ayaa lagu arkayay taliyaha dhawaan loo soo magacaabay ciidanka Booliiska gobolka Baay, Saddiiq Doodishe iyo ciidamo uu hoggaaminayay oo socod lug ah marayay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, wasiirka Xanaanada Xoolaha xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Eelaay oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka Lafta Gareen ayaa sidoo kale gudaha u galay magaalada Baydhabo.
Xasan Eelaay ayaa horey ugu hanjabay in ay saacado kooban gudaheed madaxweyne Lafta Gareen iyo maamulkiisa uga saari doonaan halkaas.
Sida lagu sheegay war lagu daabacay warbaahinta Dowladda Soomaaliya, saraakiisha amniga ayaa gudaha magaalada Baydhabo ka wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, ka dib markii laga saaray magaalada wax ay ku sheegeen maleeshiyaad uu marin-habaabiyay madaxweynihii Koonfur Galbeed.
Dowladdu waxay sheegtay in ay si rasmi isugu furtay waddada xiriirisa Baydhabo iyo Daynuunaay, kaddib markii halkaas kula soo dagaalameen Alshabaab.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamo ka amar qaadanayay Cabdicasiis Laftagareen ay koox-koox isu soo dhiibayaan, iyaga iyo gaadiidkii dagaalka ee ay wateen.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga halka uu ku sugan yahay madaxweynahii Koonfur Galbeed, ee dhowaan lagu doortay Baydhabo. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xaaladdiisa, iyadoo qaar ay sheegayaan inuu ku sugan yahay madaxtooyada oo ay ilaalinayaan ciidamo Itoobiyaan ah, halka kuwo kalena ay tilmaamayaan inuu magaalada ka baxay.











