Madaxweyne Lafta Gareen oo dib loogu doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradka Soomaaliya oo u hambalyeeyay

0

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa mar kale madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen u doortay hoggaanka maamulkaas, kaddib doorasho si degdeg ah uga dhacday magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagreen ayaa helay 66 cod, halka musharaxii la tartamayay uu helay 13 cod, sida ay sheegeen guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Doorashada madaxweynaha ayaa timid wax ka yar saacad kaddib markii isla baarlamaanka uu doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, Cali Siciid Fiqi, iyo ku-xigeenadiisa, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, iyadoo saacado gudahood lagu dhisay hoggaanka sharci-dejinta iyo fulinta.

Madaxweynaha dib loo doortay ayaa si degdeg ah loo dhaariyay, wuxuuna jeediyay hadal uu ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in jihada siyaasadeed ee dalka aysan ahayn mid sax ah sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa horey u diiday doorashada, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad buuxda lahayn, isla markaana ay ku sifeeyeen “is-caleemo saar”.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Laftagreen, isaga oo sheegay in doorashadiisu ay muhiim u tahay xasilloonida siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Farmaajo ayaa ugu baaqay hoggaanka cusub in ay dardar geliyaan dib-u-heshiisiinta bulshada, xoreynta deegaannada ay maamulaan kooxaha hubeysan, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna hambalyeeyay madaxda dib loo doortay, isaga oo bogaadiyay xildhibaannada cusub ee la dhaariyay, kuna baaqay in maamullada kale ee muddo xileedkoodu dhammaaday ay si degdeg ah u qabtaan doorashooyin si looga fogaado firaaq siyaasadeed oo halis gelin karta amniga qaranka.