Mas’uuliyiin Sare oo Kormeer Dhiirigelin ah Ku Gaaray Furimaha Hore ee Koonfur Galbeed

0

Mas’uuliyiin sare oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Mursal, Xildhibaan Xasan Cabdinur iyo Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa kormeer dhiirigelin ah ku gaaray furimaha hore ee ciidamada ammaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Somalya.

Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay jiidaha hore, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Taliyaha Degmada Baidoa, Taliyaha CID-da, Guddoomiyaha Degmada Awdiinle iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan howlgalada amni ee lagu sugayo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, waxay si kulul uga hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed, iyagoo dhaliil u jeediyay dowladda dhexe, kuna eedeeyay inay duullaan ku soo qaadday deegaannada maamulkaas.

Waxay sidoo kale cambaareeyeen falalka ay ku tilmaameen isku dirka iyo hubeynta beelaha walaalaha ah, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada bulshada isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara colaad hor leh.