Taliyaha Ciidamada Difaaca ee dalka Uganda, Jeneraal Muhoozi, ayaa sheegay in inkastoo dalkiisu uu doonayo in la soo afjaro colaadda Bariga Dhexe, haddana ay Uganda la safan doonto Israa’iil haddii ay soo wajahdo guuldarro.
Jeneraal Muhoozi, oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa sheegay inay dunidu ka daashay dagaalka, balse isku day kasta oo lagu doonayo in lagu burburiyo ama looga guulaysto Israa’iil ay keeni doonto in Uganda ay dagaalka soo gasho iyadoo taageeraysa Israa’iil.
“Waxaan rabnaa in dagaalka Bariga Dhexe hadda la soo afjaro. Caalamku waa uu ka daalay. Laakiin isku-day kasta oo ku saabsan burburinta ama in dagaalka lagu jebiyo Israa’iil wuxuu nagu qasbi doonaa dagaalka — annagoo la jirna dhanka Israa’iil!”
Hadalkan ka soo yeeray taliyaha Ciidanka Uganda, ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareertay colaadda gobolka Bariga Dhexe, ka dib weerarro isdaba-joog ah oo ay isweydaarsadeen Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Jeneraal Muhoozi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii uu ku dhawaaqay qorshe taalada loogu dhisayo Yonatan Netanyahu, oo ahaa sarkaal militeri oo la dhashay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo lagu dilay magaalada Entebbe ee dalka Uganda sannadkii 1976-dii xilli uu hoggaaminayay hawlgal lagu soo badbaadinayay dad rakaab ahaa oo saarnaa diyaarad la aduubey oo ka timid Israel, kuna sii jeeday wadanka Faransiiska.
Colaadda Bariga Dhexe ayaa sii socota tan iyo dabayaaqadii bishii Febraayo, iyadoo la soo weriyay khasaare ballaaran oo ka dhashay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhexmaraya Israa’iil iyo Iiraan.
Jeneraal Muhoozi ayaa carrabka ku adkeeyay in Uganda aysan marnaba ka aamusnaan doonin haddii ay jirto khatar dhab ah oo ku wajahan jiritaanka Israa’iil, xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda gobolkaas oo saameyn weyn ku yeelatay waddamada deriska ah iyo amniga caalamka.











