Puntland ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin siyaasadeed oo ay ku difaacayaan madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay duulaan qaawan ku qaadday maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa hadalkan ka sheegay shir uu ku qabtay Garoowe, isagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay si khaldan u adeegsaneyso ciidanka qaranka.
“Ciidamadii qaranka waxaa loo adeegsanayaa burburinta dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Lugatoor, isagoo intaas ku daray in xaaladda hadda taagan Koonfur Galbeed ay muujineyso jahawareer siyaasadeed iyo mid sharci.
Wuxuu sheegay in dalka uu marayo marxalad adag oo ay halis ku jirto kala dambeyntii sharci iyo mid amni, isaga oo xusay in awooddii ciidanka iyo nidaamkii dowladeedba loo leexiyay dano siyaasadeed.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Lugatoor wuxuu sheegay in beelaha Digil iyo Mirifle ay horey u soo mareen duruufo adag, islamarkaana aysan mar kale aqbali doonin in xaalad la mid ah dib loogu celiyo.
“Maanta waxaan taaganahay meel u baahan xal siyaasadeed. Waxaan rabnaa inaan dalka ku badbaadino siyaasad, halkii xoog lagu maquunin lahaa,” ayuu yiri.
Dhanka kale, ma jirto wax jawaab ah oo weli kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymaha in ciidanka qaranka loo isticmaalayo duulaan ka dhan Koonfur Galbeed, gaar ahaan sidii talada xoog looga tuuri lahaa madaxweyne Lafta Gareen.











