Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ku aaddan magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta, iyadoo xilka laga qaaday Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Taliye Shub), oo horey u hayay jagadaas.
Magacaabistan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo tallaabadan loo arko mid qeyb ka ah isbeddellada amni iyo siyaasadeed ee socda.
Lama oga weli sida ay saameyn ugu yeelan doonto xaaladda guud ee amniga iyo xiriirka u dhexeeya dhinacyada is haya, balse waxay kusoo beegantay marxalad xasaasi ah oo dalka ka jirta.











