Dowladda Soomaaliya oo Beenisay Diyaarad Lagu Riday Baydhabo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar la xiriira in diyaarad ay leedahay dowladda ay ka degtay magaalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo leh ujeedooyin gaar ah.

Sida ay xaqiijisay Shabelle Media Network, xubno ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay gacanta ku dhigeen maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa hore u sheegay in diyaarad helicopter ah oo lagu rasaaseeyay garoonka Waajid ay markii dambe ka degtay garoonka Baydhabo.

Wararkan iska soo horjeeda ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, taasoo abuurtay jahawareer ku saabsan xaqiiqda dhacdooyinka ka socda gobolka.