Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa si kulul uga hadlay isticmaalka hub la sheegay in markii hore loogu talagalay difaaca dalka balse hadda loo adeegsanayo arrimo gudaha.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hubkan, gaar ahaan qoryaha fudud, ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya si loo xoojiyo amniga qaranka loogana hortago cadowga dhabta ah ee dalka. Wuxuu xusay in aan marnaba loogu talagelin in lagu dhex isticmaalo shacabka Soomaaliyeed ama khilaafaadka gudaha.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Fiqi ayaa tilmaamay in hubkan hadda lagu wareejiyay maleeshiyaad ku sugan deegaanka Buurhakaba, isla markaana loo adeegsanayo dagaal ka dhan ah shacabka Koonfur Galbeed. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa ujeeddadii asalka ahayd ee hubka loo bixiyay.
“Marka hubkii loogu talagalay difaaca dalka loo adeegsado si khaldan, waxay kaliya sii hurineysaa xiisadaha, kala qaybineysaa bulshada, waxayna halis gelinaysaa nolosha dad aan waxba galabsan,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Ugu dambeyn, waxa uu ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo cid kasta oo ku lug leh arrintan in ay joojiyaan isticmaalka khaldan ee hubka, isla markaana dib loogu celiyo ujeeddadii saxda ahayd ee lagu difaacayay qaranka.











