Ugu yaraan in ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii Iiraan ay weerarro gantaallo ah ku qaaday magaalooyinka Dimona iyo Arad ee koonfurta Israa’iil, kuwaas oo ku dhow xarunta ugu weyn ee nukliyeerka Israa’iil, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka degdegga ah.
Weerarradan oo dhacay Sabtidii ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah marxaladihii ugu cuslaa ee dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, kaas oo hadda galay toddobaadkiisii afraad. Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in weerarradani ay jawaab u ahaayeen duqayn lagu qaaday xarunta kobcinta nukliyeerka ee Natanz isla maalintaas, taasoo muujinaysa is-weydaarsi weerarro ah oo sii xoogeysanaya.
Wararka laga helayo adeegyada gurmadka Israa’iil ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 88 qof ay ku dhaawacmeen magaalada Arad, 10 ka mid ahna xaaladdoodu ay aad u liidato. Sidoo kale, 39 qof ayaa ku dhaawacmay Dimona, oo uu ku jiro wiil 10 jir ah oo xaaladdiisu halis tahay kadib markii uu ku dhaawacmay firir gantaal.
Weerarradu waxay sababeen burbur xooggan oo soo gaadhay dhismayaal la degganaa, iyadoo qaar ka mid ah guryahu gebi ahaanba dummeen, dabna uu ka kacay meelo kala duwan oo ka mid ah magaalooyinka la beegsaday.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ay ahayd habeen adag, isaga oo ballanqaaday in Israa’iil ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Iiraan. Dhankiisa, afhayeen u hadlay milateriga Israa’iil ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada ay fashilmeen in ay qabtaan qaar ka mid ah gantaallada, taasoo keentay in labo gantaal si toos ah ugu dhacaan badhtilmaameedyadooda.
Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa sheegtay in ayna jirin wax dhaawac ah oo soo gaadhay xarunta cilmi-baadhista nukliyeerka ee Dimona, isla markaana aan la diiwaangelin wax heer shucaac oo aan caadi ahayn. Dhanka kale, hay’addu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada in ay muujiyaan is xakamayn milatari, gaar ahaan marka la joogo goobaha nukliyeerka, si looga hortago khataro ka sii daran intan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Israa’iil ay hore u beegsatay xarumo cilmi-baadhis oo ku yaalla gudaha Tehran, kuwaas oo la sheegay in lagu horumarinayay teknoolojiyadda gantaallada iyo hubka nukliyeerka. Khilaafka sii xoogeysanaya ayaa sare u qaaday walaaca caalamiga ah, iyadoo falanqeeyayaashu ay tilmaamayaan in labada dhinac ay qaateen istiraatiijiyad kala aargoosasho ah taas oo halis gelin karta xasilloonida gobolka Bariga Dhexe.











