MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee KGS

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta kulan muhiim ah uu madaxtooyada Soomaaliya kula qaato qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, balse ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in uu la xiriiro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda ka taagan deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya, taasoo salka ku haysa faragelin iyo isqabqabsi siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.

Labada dhinac ayaa wada Abaabul iyo qorshayaal halis ah, kuwaasi oo saameyn ku yeelan kara xaalada siyaasadeed uu xiligan dalka marayo.

Sidoo kale labada dhinac ayaa dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ah oo kala ah mid siyaasadeed iyo milateri waxaa ay ka wadaan deegaanada Koofur Galbeed.