Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo amar ku bixiyay in la beegsado madaxda sare ee Iiraan, duqeymo xooggan oo socda

0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in la bixiyay amar toos ah oo lagu badhtilmaameedsanayo madaxda sare ee dowladda Iiraan. Xafiiska ayaa sidoo kale baahiyay sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo taleefoon ku hadlaya xilli la sheegay inuu amarro bixinayay.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay kusoo beegmayso iyadoo Israa’iil ay sheegtay inay dishay madax sare oo Iiraani ah, oo uu ku jiro Cali Laarijaani, oo ahaa masuul sare oo dhinaca amniga ah, inkasta oo dowladda Iiraan aanay weli si rasmi ah u xaqiijin.

Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay dileen taliyaha ciidamada Basij ee Iiraan, Ghulamrida Sulaymaani, kaddib weerarro xalay la fuliyay. Duqeymo culus ayaa sidoo kale laga fuliyay caasimadda Tehran iyo goobo kale oo muhiim ah, iyadoo sidoo kale weerarro laga geystay Bayruut, halkaas oo ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada Lubnaan.

Dhanka kale, Iiraan ayaa wada weerarro ay u adeegsanayso gantaallo iyo diyaarado daroon ah oo ay si toos ah ugu beegsanayso Israa’iil iyo dalal ka tirsan Khaliijka, iyadoo Qadar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Kuweyd ay sheegeen inay ka hortageen weerarro hawadooda lagu soo qaaday.

Dhanka siyaasadda, Jarmalka ayaa caddeeyay in anay u qorsheysnayn inuu ku biiro dagaalkan, halka dalalka Midowga Yurub ay muujiyeen in aanay diyaar u ahayn inay ciidamo diraan Bariga Dhexe si loo sugo marin-biyoodka Hormuus, oo Iiraan ay sheegtay inay ka xidhay cadawgeeda.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa si toos ah u saameyn karta dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan qiimaha shidaalka, maadaama Marinka Hormuus uu yahay marin muhiim u ah dhoofinta saliidda adduunka.