Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Iiraan uu “dhaawac” ka soo gaaray weeraradii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilowgii dagaalka ku qaadeen Iiraan.
Isagoo ka hadlaya dhaawaca Mojtaba Khamenei, Mr. Trump wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay taasi dhici karto, waxaan u maleynayaa inuu dhaawacmay, laakiin waxay ila tahay inuu si uun u nool yahay”
Tani waa falcelintii ugu horreysay ee Madaxweynaha Mareykanka ka dib markii la daabacay farriinta qoraal ah oo ka socotay hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa The Truth Social ku yiri: “Waxaan si buuxda u burburin doonnaa nidaamka argagixisada ee milatariga Iiraan dhaqaalahooda iyo waxyaabo lamid ah.
Hadalkiisa ayuu sii watay, isagoo dhaleeceynaya warbixinnada New York Times: “Ciidanka badda ee Iiraan way baa’baeen, ciidankooda cirka ma jiraan, gantaalladooda, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo wax kasta oo kale ayaa la burburinayaa, hoggaamiyeyaashoodana way baa’baeen”, ayuu yiri Trump.











