Wararka Mahad Salaad oo damaanad amni u fidiyay Deni iyo Axmed Madoobe

0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah la yeeshay hoggaamiyeyaal sare, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo wadahadallada siyaasadeed ee la filayo.

Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.