Madaxda dowladaha iyo xukuumadaha Afrika ayaa Sabtidii ku kulmay magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan Kalfadhiga 39-aad ee Caadiga ah ee Golaha Midowga Afrika, shir laba maalmood soconaya oo diiradda lagu saarayo sugnaanta biyaha, cadaadiska isbeddelka cimilada, iyo xoojinta matalaadda Afrika ee hay’adaha caalamiga ah.
Hoggaamiyeyaasha ayaa daahfuray halku-dhigga sanadka 2026 ee Midowga Afrika oo ah: “Hubinta Helitaanka Biyo Waara iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Ammaan ah si loo Gaaro Yoolalka Agenda 2063.”
Marka laga soo tago doodaha ku saabsan maamulka biyaha iyo adkeysiga isbeddelka cimilada, hoggaamiyeyaasha ayaa la filayaa inay dib u eegaan xaaladaha nabadgelyo iyo amni ee qaaradda, qiimeeyaan horumarka laga sameeyay Agendaha 2063 qorshaha fog ee horumarineed ee Midowga Afrika isla markaana ka tashadaan dib-u-habeyn hay’adeed oo lagu xoojinayo waxtarka iyo joogtaynta maaliyadeed ee ururka qaaradda.











