Wasaaradda Amniga Gudaha oo Ka Hadashay is hortaagii Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle

6

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in habraaca sugidda amniga ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana uu khuseeyo qof kasta oo doonaya inuu galo ama ka baxo garoonka.

Habraaca amniga ayaa dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo, dadka iyo gaadiidka laga soo galo Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan gudaha garoonka la soo galo.

Si kastaba ha ahaatee, xalay waxaa dhacay xadgudub ay sameeyeen qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka, kuwaasoo gudaha garoonka la galay iyagoo wata ciidamo tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan la oggolayn in habeenkii la isticmaalo. Tallaabadan ayaa khatar ku ah amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebineysaa habraaca rasmiga ah.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay caddeysay in habraacyada amniga ay khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, xil haya iyo kuwa horeba, isla markaana aan cidna laga reebayn fulinta nidaamka. Waxay sidoo kale sheegtay in aan la diidin gelitaanka garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciyada iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

May be an image of text