Waxaa weli ismari-waa xooggan uu ka taagan yahay goobta lagu qabanayo shirka la filayo inuu dhex maro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo qodobka goobta uu noqday arrinta ugu weyn ee dooda ka taagan tahay.
Xalay ayay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsanayay tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan haddii uu shirka furmi waayo, islamarkaana ku adkeystay in kulanka lagu qabto xerada Xalane.











