Madaxweyne Xasan Sheikh oo dalal ku yaala gobolka ku eedeeyay inay taageersan yihiin aqoonsiga Israaiil ee Somaliland

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Dowlado ku yaala gobolka, oo uu uusan magacaabin, in ay taageersan yihiin  aqoonsiga Israel ee Somaliland, isagoo sheegay in ay ka dhex arkaan fursado ay ku gaaraan danahooda gaarka ah ee ka hor imaaanaya midnimada Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta Asharq Al-Awsa, ayaa sheegay iyadoo taas laga duulayo in Soomaaliya ay qaadatay istaraatijiyad siyaasadeed oo saddex-geesood ah si loo baabi’iyo waxa uu ku tilmaamay aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeyneyso la-hawlgalayaal uu hoggaaminayo Sacuudi Carabiya si loo ilaaliyo xasilloonida loona difaaco Geeska Afrika wuxuu uu ugu yeeray “kacsanaan aan la xakameynin.”

“Ma doonayo inaan magacaabo dal gaar ah ama dalal gaar ah, Laakiin waa caddahay in qaar ay u arki karaan aqoonsiga Somaliland fursad ay ku gaaraan faa’iidooyin xadidan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu adkeeyey in midnimada Soomaaliya ay tahay “khad cas,” isagoo intaa ku daray in Muqdisho ay qaadday go’aanno adag si loo ilaaliyo madaxbannaanida qaranka.

“Waxaan si cad oo adag u caddeynayaa in aqoonsiga Somaliland sida dal madax-bannaan uu yahay ku xadgudub muuqda oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Xasan Sheikh wuxuu tallaabadan ku tilmaamay xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, Dastuurka Qaramada Midoobay, iyo go’aannada Ururka Midowga Afrika ee dhowra xuduudaha Afrika.

Wuxuu sheegay in aqoonsigu uu dhiirrigelin karo dhaqdhaqaaqyada gooni u goosadka ee Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika iyo adduunka Carabta, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladaha Sudan iyo Yemen si loo muujiyo khataraha sare ee kala-goynta dawladaha.