Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa beeniyay in joogitaanka Turkigaee Soomaaliya iyo saamaynta sii kordhaysa uu ku leeyahay dalka uu yahay mid lagula dagaallamayo Israa’iil.
“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, mana aha oo kaliya arrin amni. Waxaa ku jira dhaqaale, istaraatiijiyad juqraafiyeed iyo iskaashi siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta Aljazeera.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in heshiisyada difaac ee labada dal ay ujeeddadoodu tahay in Soomaaliya is-difaacdo, isla markaana looga hortago xoogag kasta oo halis ku ah jiritaanka iyo madax-bannaanida dalka.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Turkigu horey u muujiyay inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo, isaga oo sheegay inuu gacan ka geystay dib-u-dhiska hay’adaha ammaanka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay dhammaan dalalka dan wadaagga la leh, balse ay si cad u kala saarayso iskaashi sharci ah iyo faragelin wax u dhimaysa midnimada dalka.
Bishii December ee sanadkii hore, Israa’iil ayaa digniin u dirtay Soomaaliya. Shay Gal, oo ah lataliye sare oo ka tirsan Dowladda Israel, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda noqotay meel uu saamayn weyn ku leeyahay Turkiga, halkaas oo uu sheegay in lagu tijaabinayo gantaalka Tayfun oo Turkigu ugu hanjabay Giriiga iyo Israa’iil.
Shay Gal, oo ahaa ku-xigeenkii hore ee xiriirka dibadda ee Israel ayaa fariin u diray Ankara, isaga oo sheegay in si la mid ah Iiraan ay awood u leeyihiin in ay weerari karaan Soomaaliya si ay uga hortagaan gantaalada Turkiga.











